
Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Jubaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa maalintii labaad ka wada degaano hoostaga Degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose howlgal lagu cirbitirayo kooxda Khawaariijta ee Al shabaab.
ururka 162’aad ee Guutada 16’aad kumaandooska danab Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa u ruqaansaday Degaanka Baarka oo ay Ciidamadda Markii hore uga soo baxeen saamayntii fatahaadii balse ay laba jiho Ciidamadda ka weerareen Degaanka Baar-Sanguun.
ciidamadda howlgalka fulinayay ayaa ka gudbay dhanka kale ee Wabiga Jubba halka Ciidamadda qaarna ay mareen wadada Laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho taas oo ah istaatiijiyada dagaal oo horey loo dajiyay.
ciidanka ayaa cagta mariyay degaano ay ku dhumalaysanayeen maleeshiyaadka khawaarijta
Daganada ay ciidanka holglka ka fuliyan ayaa kale ah baxar saafka,baarsanguuni, wirkooy iyo deegaano kale oo hoos yimaad dagamada Jamaame.
Ciidamadda ayaa howlgalkan ku dilay 19 kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta halka nolosha lagu qabtay 9 kamida ah khawaarijta.
sidoo kale ciidamaddu waxay ka furteen hub fara badan oo noocyo kala duwan ah, ayga oo sidoo kale fashiliyay miinooyin ay khawaarijtu ku dhibaatayn rabeen shacabka
Saraakiisha ciidanka hogaminaya ayaa sheegay in howlgalkaan uu sii socon doona, inta kooxda laga sifeeynayo guud ahaan deeganada ay Jubaland kaga sugan yihiin.