
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland iyo Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa si wadajir ah u soo agaasimay kulanka bilaha ah ee bulshada iyo bahda caddaaladda iyo amniga ee Jubbaland.
Kulanka ayaa muhiimadiisu ahayd in laamaha caddaaladda iyo amniga iyo bulshada ay isku arkaan, si ay isu xogwaraystaan, bulshaduna ay su’aalo ku weydiiso madaxda laamaha
caddaaladda, iyo amniga waxaana ka soo qayb Galay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, Agaasimiyaal Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Intii uu kulanku socday, Agaasimayaasha Guud ee labada wasaaradood ee caddaaladda iyo amniga ayaa iftiimiyay ujeeddada kulanka, iyaga oo sheegay in kulankani yahay bilow, islamarkaana uu gogol xaaro.




