Isbitaalka degmada Afmadow ayaa markii ugu horaysay waxaa qaliin lacag la’aan ah loogu sameeyey haweenaydii ugu horaysay tan iyo markii isbitalkaas dib looga hirgaliyey agab-ka qaliinka,Kaas oo dhowr bilood ka hor dadka deegaanka Afmadow iyo qurba Joogta deegaanka ay ku soo iibiyeen dhaqaale ay iska aruuriyeen.
Haweenka uurka leh ee ay ku adkaato in ay dhalaan ayaa waxaa loo qaadi jiray magaalada Dhoobley.
Shan bilood ka hor ayey ahayd markii laba gabdhood oo fooshay loo waayey meel lagu kala badbaadiyo waxaana loo qaaday magaalada Dhoobley, iyadoo mid dhexda dhiig bax ugu geeriyootay halka mida kale lagu kala badbaadiyey Isbitaalka Dhoobley.
Dhacdadaas oo taabatay dadka deegaanka ayaa keentay in dadka deegaanka ay u istaagaan sidii Isbitaalka Afmadow ku helli lahaa qalabka qaliinka iyo daawadii waxaana qalabkaan lagu soo iibiyey $30,000 sida uu sheegay Cabdi Shugri Maxamed oo ahaa gudoomiyaha dhalinyaradii lacagtaan Aruurinaysay.
Wasaarada Cafimaadka Jubbaland ayaa markii la rakibay qalab-ka Qaliinka waxaa ay gaysay hal dhakhtar oo dhinaca qaliinka ah Isbitalka guud ee Afmadow.
Maamulaha Isbitaalka Afmadow Dr Saleebaan ayaa ka warbixiyey Xaalada cafimaad ee hooyada ku dhashay Isbitaalka Afmadow.