Halyeeyada Ciidanka Nabadsugidda Dowladda Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo culus ka wada deegaannada hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

0
196

Ciidamada Halyeeyada Gaashaan ee Nabadsugidda Dowladda Jubbaland kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 11-aad ee Qaybta 43-aad iyo kumaandooska Danab, ayaa weerar culus ku qaaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Goobaha la beegsaday ayaa ku yaalla jiinka Webiga Jubba, degaanka Maanbile ee duleedka degmada Jamaame.

Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay, laguna doonayay sifeynta maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa si guul leh uga dhacay degaanka Maanbile.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in weerarka si gaar ah loogu beegsaday godad iyo fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadku, isla markaana ay socdaan hawlgallo is-daba-joog ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee Ciidamada Dowladda ay ku doonayaan in guud ahaan deegaannada Jubbaland looga sifeeyo maleeshiyaadka dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni guud.