Madaxwayne kuxigeenka 2-aad Jubbaland oo kormeeray waddo dayactir lagu samaynaayo.

1059

Madaxwayne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdiqaadir Haaji Maxamuud luga-dheere ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay wadda isku xidha Buulaguduud iyo deegaanka Janaa Cabdalle oo dayactir lagu samaynaayo.

Kormeerka Madaxwyne kuxigeenka Jubbaland ayaa ujeedkiisa ahaa in la hubiyo halka uu maraayo dayactir lagu waddo wadda isku xidha Janaa-cabdalle iyo Buula-guud oo ah waddo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.

idkaan isku xidha Buula-guud iyo Janaa Cabdalle ayaa hareerihiisa waxaa ka baxay geedo aad u badan kuwaasi kooxda nabad diidka ah  AL-shabaab  gabaad ka dhigan karaan si dadka wada isticmaalaya ay u waxyeeleyaan,waxaana geed qaadka lagu samaynaayo wadadaan uu waxbadan ka taraaya dhinaca Amniga ee wadada.

Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa mararka qaar geedaha wadooyinka ku dhow waxaa ay galiyaan miinooyinka iyo waxyaabaha kale ee qarxa, taas oo waxyeelo  u gaysata inta badan  dadka shacab-ka ah.

Wadda Janaa Cabdalle

Kormeerka Madaxwayne kuxigeenka 2-aad ayaa waxaa ku waheliyey lataliyaha dhinaca Amniga Generaal Cabdi Mahdi iyo taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland Aadan Maxamuud  Ibraahim (Aadan goojaar).