Hay’adda Save the Children oo Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ku wareejisay Gaadiidka Ambalaas-ta ah

66
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa si rasmi ah ugala wareegay gaari ambalaas ah oo ay Wasaaradda ugu deeqday hay’adda Save the Children, kadib munaasabad ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland.
Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, shaqaalaha heerarka kala duwan ee Wasaaradda, iyo wakiillo ka socday hay’adda Save the Children.
Mudane Wasiir Ismaaciil Axmed Garas ayaa uga mahadceliyey hay’adda Save the Children deeqda gaariga ambalaaska ah, isagoo xusay kaalinta mugga leh ee ay hay’addu ka qaadato horumarinta adeegyada caafimaadka ee Jubbaland. Sidoo kale, waxa uu ammaanay sida hufan ee ay hay’addu ugu adeegto bulshada, gaar ahaan xarumaha caafimaadka.