Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Oo Kulan La Qaatay Taliayha Ciidamada Mareynkanka Ee Africom

755

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa ladagaalanka Argagixisada iyo sidii maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Deegaanada  Jubbaland ayaa waxaa ka sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka ee qaaradda Afrika  ee loo yaqaano AFRICOM, kuwaasi oo Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka ka taageeera howlgalada ka dhan ah Al-shabaab.