Ciidamada Nabad gelyada Koonfur Galbeed ayaa awaamiir adag kasoo saarey mootooyinka laba lugoodleyda ah

118

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Baay iyo Taliyaha saldhiga degmada Baydhabo oo maanta kulan la qaatay Ciidamada Nabad gelyada Koonfur Galbeed ayaa awaamiir adag kasoo saarey mootooyinka laba lugoodleyda ah kuwaasi oo gabi ahaanba laga mamnuucey Gobolka Bay.

Sidoo kale ciidamada waxaa amar lagu siiyey inay la shaqeeyaan guddoomiyaasha xaafadaha magaalada Baydhabo si loo xaqiijiyo Amniga ayna la degaalamaan cid kasta oo baraha bulshada ku faafisa muuqaalada anshax xumada ah iyo kuwa wararka been abuurka ah ku qora baraha bulshada.