Wasaaradda Amniga Jubbaland oo Kismaayo ka daahfurtay Bandhigga Doorka Haweenka ee Booliska

0
259

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo si rasmi ah uga daah furtay kulanka bulshada ee bandhigga doorka haweenka ku jira Booliska Jubbaland, iyadoo uu kulankan qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka ee hay’adaha amniga.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan guddiga amniga ee Golaha Wakiillada Jubbaland, saraakiil boolis, haweenka,bulshada iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Intii uu kulanku socday, waxaa la qabtay dood-wadaag furan oo lagu lafa-guray kaalinta ay haweenku ku leeyihiin booliska, fursadaha u bannaan, iyo caqabadaha hortaagan horumarinta doorkooda amni.

Wasaaradda Amniga Jubbaland waxay ugu baaqday bulshada iyo hay’adaha kala duwan in ay taageeraan ka qaybgalka haweenka ee booliska, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo kalsoonida shacabka.