
Agaasimaha Waaxda Arrimaha Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, Dr. Maxamed Bashiir Nuur, ayaa magaalada Kismaayo ku soo xiray Shirka Dib-u-Eegista iyo Qorsheynta Tallaalka ee Jubbaland, kaas oo socday muddo laba maalmood ah.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda guud ee barnaamijka tallaalka, gaar ahaan adeegyada la xiriira tallaalka carruurta iyo dadka waaweyn. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa qorsheyaasha sanadka soo socda si kor loogu qaado heerka helitaanka tallaalka.
Xiritaanka shirka waxaa ka qayb galay qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, Iskuduweyaasha Caafimaadka ee Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, saraakiil sare oo wasaaradeed, iyo wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda, kuwaas oo taageera barnaamijyada tallaalka ee Jubbaland.
Shirku wuxuu kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan dardargelinta barnaamijyada tallaalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha iyo Wasaaradda.















