Duqa Kismaayo Oo Daah-furay Shir Lagu Dardargelinayo Dhismaha Biyo-mareennada Magaalada

0
206
Shir looga hadlayay dhismaha biyo-mareennada magaalada Kismaayo oo ay waddo dowladda hoose ee degmada Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay magaalada.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray waxyaabaha u qabsoomay maamulka Dowladda hoose ee gacanta ku haya mashruuca dhismaha biyo-mareennada.
Waxaa kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha degmada Kismaayo, Guddoomiye ku xigeenka degmada, guddoomiyeyaasha xaafadaha kala duwan ee magaalada, injineerrada ka shaqeynaya mashruuca, ganacsato iyo shaqaalaha dowladda hoose ee degmada.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna Duqa magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), ayaa si rasmi ah u daah-furay kulanka, isagoo ka qeyb-galayaasha ku boorriyay inay door muuqda ka qaataan dhismaha iyo horumarka magaalada.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay biyo-mareennadu u leeyihiin bilicda magaalada, ka hortagga fatahaadaha iyo horumarinta isku socodka gaadiidka iyo bulshada.
Dowladda hoose ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga ah ee magaalada Kismaayo.