Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Cumaan

1134

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay dalka Cummaan, si uu uga qeyb galo Tacsida Qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanada Cummaan
Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Farmaajo ayaa diyaarad qaas ah ay saaka ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku sii jeeda Caasimada Muscat.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid noqon doona Madax ka socota Caalamka oo qulqulaya dalka Cummaan si ay uga qeyb qaataan tacsida qaran ee loo sameynayo Suldaan Qaboos bin Said Al Said oo maalmo ka hor geeriyooday..
Madaxweynaha J. Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in muddada uu joogo halkaasi uu ka qeybgalo baroordiiq iyo tacsi loo sameeynayo boqorkii geeriyooday ee Cuman.