
Kismaayo, August 5, 2023: Iyadoo loo diyaargaroobayo xuska maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda ee sanadka 2023 – ayaa Hoggaanka Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee SYL oo taageero ka helaya UNSOM waxay bandhig-raadiye oo ku saabsanaa arrimaha dhalinyaradda ee la xiriira tahriibka, shaqo la’aan iyo si xun u adeegsiga baraha bulshada ku qabteen Radio Kismaayo.
Bandhiggaan raadiyaha oo ahaa mid arimaha dhalinyaradda diiradda lagu saariyey ayaa waxaa ka qaybgalay Xildhibaanad Foos Cali Cabdirixmaan oo ah Xoghay Guddi Hoosaad-ka Armiha Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Warfaafinta iyo hoggaamiyayaal da’yar oo uu hormuud u yahay Gudoomiyaha Dhalinyaradfa Degmada Kismaayo, Najmo Nageeye oo la socotay Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaar, Fahad oo ka socday hindisaha dhalinyaradda ee Fahan iyo Ubax Anshax oo ka socotay Hoggaanka Dhalinyaradda SYL.