TALIYAHA CIIDANKA OO LA XAFLADEEYAY ARDAY UU MAANTA U SOO DHAMAADAY IMTIXAANKA SANAD DUGISYEEDKA.

0
671
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Jaamacada Umadda Soomaaliyeed oo uu ka socday Imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedkan.
Ujeedka socdaalka Taliyaha ayaa ahaa u kuur-galka qaabka sugida amniga iyo sida uu ardayda ugu soo dhamaaday imtixaanka fasalka 8-aad ee sanadkan.
Taliyaha ayaa dhamaan ardaydii imtixaanka u soo idlaaday farxada kula qaatay gudaha xarunta Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu maanta ugu soo qaban gaboobay Imtixaankaas.