
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Jaamacada Umadda Soomaaliyeed oo uu ka socday Imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedkan.
Ujeedka socdaalka Taliyaha ayaa ahaa u kuur-galka qaabka sugida amniga iyo sida uu ardayda ugu soo dhamaaday imtixaanka fasalka 8-aad ee sanadkan.
Taliyaha ayaa dhamaan ardaydii imtixaanka u soo idlaaday farxada kula qaatay gudaha xarunta Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu maanta ugu soo qaban gaboobay Imtixaankaas.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







