
Gudoomiyaha Doorashooyinka Muise Geelle ayaa hadda gaaray Baydhabo, waxaa la socda Wasiir Khadiijo Diiriye iyo xubno kale iyadoo lagu wado in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya Kionfur Galbeed iyo Gudiga Doorashooyinka.
Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis laftagareen & Odayaasha Dhaqanka Magaalada si Maamulka Koonfur Galbeed u soo fasaxaan Xildhibaannada dooran si ay u qaataan Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo.
Xildhibaannada laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed ayaa marka laga reebo Saddex Xildhibaan aysan weli qaadan wax shahaado ah, iyaga oo ka gadoodsan Saddex Kursi oo Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay hakiyeen kadib markii la doortay.
Maalinta Khamiista oo berito ah ayaa qorshuhu yahay in teendhada afisiyooni ee Magaalada Muqdisho lagu dhaariyo Xildhibaannada Shahaadada la siiyay hadii aan wax isbedelin, waxaana qaar kamid ah Xildhibaannada ay sheegeen in ay muhiim tahay in la xaliyo tabashada Reer Koonfur Galbeed.