Wasiirka waxbarashada Jubbaland oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaanka qaranka.

0
3
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland, H.E Abdinasir Serar Mah ayaa  xafiiskiisa ku soo dhaweeyay ardaydii Jubaland ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Qaranka ee sannad-dugsiyeedkan.
Wasiirka ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha iyo natiijada wanaagsan ee ay gaareen, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo kartida ay muujiyeen. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalka waxbarasho, kana shaqeeyaan sidii ay mustaqbalka kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen horumarka bulshada iyo dalka.
Wasiir Seeraar ayaa ugu dambeyn ardayda u ballanqaaday garab istaag iyo taageero, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalka iyo hamiga waxbarasho, si ay u gaaraan heerar sare oo aqooneed una xaqiijiyaan himilooyinkooda mustaqbalka.