Jubbaland Oo War Kasoo Saaray Geerida Cali Mahdi Maxamed

672

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam  ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee  Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Madaxweynha Dowlada Jubbaland  ayaa xusay in Marxuumku uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka. Waxaana uu intaa ku daray in lagu   xasuusan doono  sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.

Hoos ka akhriso Qoraalka Tacsida ah ee uu soo saaray Madaxweyne Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam