Agaasimaha cusub ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda oo xilka la wareegay

676

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalk Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Clmi Cali (Cabdul) oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay.

Agaasimaha cusub ayuu Ra’iisal wasarae ku-xigeenka u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi oo uu ku ammaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda.