
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo safar shaqo ku jooga magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland, ayaa booqasho sharafeed ku tagay hoyga laba kamid ah isimada waaweyn ee dhaqanka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Saciid Maxamed Garaase, oo kamid ah madaxda dhaqanka ee sida weyn loogu ixtiraamo dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.
Booqashadan ayaa ahayd mid muujinaysa qadarin, walaaltinimo, iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland.
Intii lagu guda jiray booqashada, Madaxweynaha iyo isimadu waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim u ah midnimada ummadda Soomaaliyeed, doorka dhaqanka ee nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, iyo sidii la iskaga kaashan lahaa horumarinta guud ee bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahadceliyey Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase soo dhoweynta diirran iyo doorkooda muuqda ee ka dhaxeeya bulshada’ Wuxuu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka isimada dhaqanka ee xalinta khilaafaadka iyo dardargelinta nabadda.
Dhanka kale, isimadu waxay si diirran u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jubbaland, iyagoo ku ammaanay hoggaankiisa geesinimada leh iyo dadaalka uu ugu jiro horumarinta Jubbaland iyo wadajirka Soomaaliya.
Booqashadan waxay qeyb ka tahay dadaallada Madaxweynaha Jubbaland ee lagu xoojinayo isdhexgalka ka shaqeeynat midnimada Soomaaliyeed.














