
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Kornayl Sadiiq Maxamuud Dhogor, ayaa Degmada Dhoobley kulan muhiim ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada si loo xoojiyo wada shaqeynta amniga iyo doorka bulshada ee sugidda nabadda.
Kulanka ayaa yimid kaddib markii xilka uu ka wareegay Taliyaha cusub ee Saldhigga Booliska Dhoobley iyo ku-xigeenkiisa waxaana shirka maanta uu ahaa looga hadlayay wada shaqeeynt waxgaradka magalada iyo laamaha amniga.
Kulanka waxaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amni, nololeed iyo saameynta abaarta daran ee ka jirta degmada, iyadoo odayaashu soo bandhigeen caqabadaha jira iyo baahida loo qabo wada shaqeyn dhab ah.
Taliyaha ayaa caddeeyay in Booliska Jubaland ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo garab istaagga bulshada, gaar ahaan xilliyada adag.
Odayaasha dhankooda u mahadceliyay sarkiisha iyagoo ballanqaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan ciidamada amniga si loo ilaaliyo nabadda loona xalliyo khilaafaadka.
Kulanka ayaa lagu adkeeyay in amniga iyo horumarka bulshada ay yihiin laba arrimood oo isku xiran, isla markaana wada shaqeynta Booliska iyo bulshada ay horseedi karto xasillooni waarta iyo mustaqbal ammaan ah oo u suurtageliya Degmada Dhoobley iyo guud ahaan Gobolka Jubada Hoose.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







