Wasaarada Beeraha Jubbaland oo dib u howlgalinaysa kannaalada beeraha ee Buula-guduud iyo Yoontooy.

1095

Wasaarada Beeraha iyo waraabka Jubbaland ayaa bilowday mashruuc dib loogu dayactiraayo sadex Kannaal oo loogu talagalay in dadka beeralayada ah ay uga faa’iidaystaan dhinaca waraabka beeraha.

Kannaaladaan oo ah kannaalo ay dowladii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre horay u hirgalisay ayaa hadda waxaa dhaqaalaha lagu dayactiraayo  bixinaysa hay’adda cunnada iyo beeraha FOA sida uu Radio Kismaayo u sheegay Madaxa Mashruucaan Ismaaciil Cali Maxamed.

Sadexdaan Kannaal ayaa waxaa laga hirgalinayaa tuulooyinka Buulaguduud,Yoontooy,iyo Qaam Qaam oo dhinaca waqooyiga ka xiga magaalada Kismaayo,wajigii hore ee mashruucaan ayaa waxaa uu ahaa xog uruurin lagu ogaanaayey sida xoola dhaqatada ah iyo beeralaydaba si wada jir ah uga faa’iidaysan lahaayen kannaaladan cusub.