
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland, Mudane Mohamed Ogle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa UNSOM u qaabilsan Jubbaland.
Kulanka ayaa waxaa Wasiirka ku wehlinayay Madaxa Waaxda Xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland iyo Agaasimaha Dowladaha Hoose ee Wasaaradda.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Jubbaland iyo Hay’adda UNSOM, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadeynta, xasilinta, dowlad-dhiska, iyo horumarinta adeegyada dowladaha hoose.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa soo dhaweeyay Madaxa UNSOM, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi miro-dhal ah oo ka dhex abuurma labada dhinac, si loo dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyo, xasillooni iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaanada Jubbaland.
Dhankiisa, Madaxa UNSOM ee Jubbaland ayaa muujiyay sida ay UNSOM uga go’an tahay taageeridda Dowladda Jubbaland, isagoo ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta iyo taageerada dhinacyada kala duwan ee horumarinta iyo dowlad-wanaagga.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







