Golaha Ammaanka ee QM oo kulan Deg-deg ka yeelanaya Colaadda Tigray-ga

948

Dowladaha Maraykanka, UK iyo Ireland waxay si wadajir ah ugu baaqeen Shir Degdeg ah oo ay Golaha ka yeeshaan Xaalladda Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia.

 

 

Ilo Diplomaasiyadeed oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxay sheegeen in Shirka la qaban doono sida ugu dhaqsaha badan, gaar ahaan maalinta Jimcaha ee soo socota. Dalalka Reer Galbeedka weli kuma guuleysanin inay isku-duwaan Fadhi Guud oo looga hadlay Xiisadda Gobalka Tigrayga, iyadoo dalalka Shiinaha iyo Raashiya oo awood Qayaxan ku dhex leh Golaha Ammaanka oo ay wehliyaan inta badan dalalka Afrika waxay u arkaan in Xiisadda Tigrayga tahay mid khuseysa Arrimaha Gudaha ee Ethiopia.

 

Kulanka Degdeg ee ay Maraykanka, UK iyo Ireland abaabulayaan waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Maleeshiyadda Kooxda Tigrayga ee TPLF dib ula wareegeen Caasimadda Gobalka Tigrayga ee Mekhelle. Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM,

 

Antonio Guterres waxa uu Khadka Telefoonka kula hadlay RW Abiy Ahmed, oo ay isla eegeen rajada lagu joojin karo Colaadaha, Badbaadinta dadka Rayidka, Gargaar la gaarsiiyo dadka u baaan iyo in sidii Xal Siyaasadeed looga dhamayn lahaa Colaadda Gobalka Tigrayga.