Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo qiimeyn ku sameysay baahiyaha xaafadda Halgan ee deegaanka Luglow

0
255
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Jubaland oo ay waheliso Hay’ada qaxootiga Jubaland ee Jucri ayaa booqasho ku tagtay Xaafadda Halgan ee Deegaanka Luglow.
Booqasha masuliyiintaan ayaa daba socota diyaarinta Qorshaha Hormarinta Jubaland ee shanta sano ee soo socota, taas oo lagu qiimeynayey hormarka iyo baahiyaha ka jira Xaafadda Halgan, taas oo la rajeynayo in isbedel ballaaran laga dareemo sanadaha soo socdo.
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Jubaland ayaa wado xirgalinta Qorshaha shanta sano ee soo socota.