Maamulka Hir-Shabeelle oo digniin kasoo saartay fatahaada Wabiga Shabeelle

1057

Wabiga Shabelle ee mara deegaano ka tirsan gobolka Shabelelaha Dhexe ayaa maalmihii dambe waxaa taagneed cabsi laga qabo in uu fatahaad sameeyo,isla markaana uu waxyeelo u geysto Beeraha ku yaalla Gobolkaas & dadka deegaamesta hareeraha wabiga, waxana digniin kasoo saartay Wasaaradda Beeraha Maamulka Hir-Shabeelle.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir (Daqare) ayaa sheegay in halis loogu jiro fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle,isla markaana Wabiga xilligaan uu yahay mid siweyn u buux dhaafiyay.

Waxaa uu sheegay inay jiraan dad u jeedooyin kale kaleh,kuwaas oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin in wabiga uu ku fataho deegaano kale duwan,isaga oo digniin u diray dadka inta badan sameeyo sida uu wabiga ku fatahi karo,isla markaana uu sheegay inay tallaabo adag ay  ka qaadi doonaan.

Sidoo kale waxaa uu ku amray Guddiyada Kanaaleyda Beeraha Hir-Shabeelle inay iska soo diiwangeliyaan Xafiisyada Wasaradda Beeraha si ay uga wada Shaqeeyaan ka hortagida fatahaadaha Wabiga Shabeelle uu inta badan sameeyo