
Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa Deegaanka Luglow ee Waqooyiga Magaalada Kismaayo ku qabatay Kulanka Iskutashiga Bulshada Deegaanka ee ilaalinta Nadaafadda iyo Fayadhowrka oo ah qorshe ay Wasaaraddu ka waday deegaanadaas isbuucyadii lasoo dhaafay.
Kulanka oo ujeedkiisu ahaa in bulshada deegaankaas ku nool ay si isku tashi ah oo dhexdooda ay u sameysanayaan guddiyo iyo gaadiid ka shaqeeya qashin aruurinta deegaanka iyo jaangoynta qorshahaas muhiimka ah kaasoo la isku raacay in si wadajir ah looga shaqeeyo.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada Abshir Yuusuf, Madaxa Fayodhowrka iyo Nadaafadda, Madaxa Wacyigalinta, Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose, Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah ee Degmada Kismaayo, Gudoomiyayaasha iyo Gudiyadda Deegaanada Lugloow









