Maxkamada Ciidamada Jubbaland oo xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday rag ku eedaysnaa dil.

1167
Maxkamada Ciidmada Jubbaland.

Maxkamada Ciidamada ee Jubbaland ayaa manta  dil ku xukuntay Faarax Cabdirashiid Cilmi oo horay ugu eedaysnaa in uu dilay marxuum Cabdi Muxumed oo ahaa nin shacab ah.

Faarax Cabdirashiid Cilmi oo ah ninka falka dilka lagu helay sida uu sheegay Garsooraha Maxkamada Ciidamada Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ka tirsanaa Ciidanka daraawiish-ta Jubbaland ee deegaanka Cabdalla Biroole.

Maxkamada ayaa sidoo kale sadex sanno oo xabsi ciidan ah ku riday  eedaysane Maxamed Rashiid Muxumed oo isagana ahaa askari ka tirsan ciidmada daraawish-ta Jubbaland ee deegaanka Biroole.

Garsooraha maxkamada Ciidamada Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday Faarax Cabdirashiid Cilmi.

Maxkamada Ciidmada Jubbaland.