Taliyaha nabad sugida Jubbaland oo ka hadlay khilaafka ka dhexjira Al-shabaab

1231

Taliyaha Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka  Jubbland  Khaalid  Shiekh  Cabdullahi oo u waramayey Barnaamijka daljir ee ka baxa TV-ga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Sheegay  in loo baahan yahay in si wada jir ah loo dagaalamo kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Taliye  Khaalid Sheikh Cabdullahi ayaa sheegay in khilaaf xoogan uu ka dhex jirro Al-shabaab ,ayna jiraan saraakiil badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay xabsiyadooda ku dhex dileen.

Shacabka Soomaaliya ayuu taliyaha ugu baaqay in ay u istaagan sidii loo soo afjarilaha kooxda Al-shabaab.