Generaal Dhuumaal oo ka hadlay arimaha ka tagaan gobolka Gedo.

1031

Lataliyaha dhinaca ciidamada ee  madaxwaynaha Jubbaland Yuusuf Xassan Xussein(Dhuumaal) ayaa ka hadlay xaalada amni ee ka jira gobolka Gedo iyo ciidamada xooga dalka  ee dowlada federaalka Somaliya ku daad guraysay gobolka.

Generaal Dhuumaal ayaa ugu baaqay Madaxda dowlada Federaalka Somaliya iyo golaha amniga Qaranka in ciidamada la geeyey Gedo dib loogu celiyo goobihii laga keenay si looga baaqsado dagaal dhexmara Ciidamada Jubbaland iyo kuwo xooga dalka oo hal cadow leh.

“waa in ciidanka gedo wadda jooga ee halka cadow leh aysan isdilin oo xal waara laga gaadho arinta gobolka Gedo”

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa faragalin ku samaysay gobolka Gedo oo maamul ahaan hoos imaada dowlad goboleedka Jubbaland waxaana muuqatay baryihii danbe amni xumo ku soo korartay gobolka Gedo.