Dowlad Goboleedka jubbaland oo bilowday howlagalkii xureynta gobolka jubada dhexe iyo qeybo ka mid Gobolka jubada hoose

1458

Howlgal qorsheysan oo ciidamada jubbaland ku qaadeen degaano ka Tirsan gobolka jubada hoose oo ay maamulayeen dhowrsano Maleeshiyaad Alshabaab  ayaa lagala waregay

Ciidamadu waxa lawareegeen  degaano muhiim u ah jubbaland Sida:degaanka  beerxaane.janaacabdale.buulo xaaji iyo kuwa kale

Maleeshiyaadka Alshaab ayaa kawada carary ka dib markii ay maqleen in Ciidamada Dowlad Goboleedka jubbaland ay ku soo wajahan yihiin Degaanadaasi  mana jirin wax dagaal ah oo ka dhacay inta aanan lala Wareegin degaanadaa

Kooxada  gabalkeedu dhacay ee Alshabaab ayaa xiligaan raadinaya Goobo ay ku dhuumaaleystaan madaama  jubbaland ay u diyaar Garowday in Alshabaab ay ka saarto degaanada fara ku tiriska

Taliyaha ciidamada dowlad goboleedka jubbaland general aadan koojaar oo lahadlay radio kismaayo codka jubbaland ayaa waxa uu sheegay in cidamada ay hadda ku sugan yihiin degaanadaasi walina uu socda howlgalka guud