Qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah Qaba ee magaalada Kismaayo oo Layimid shaqa abuur.Sawiro

907

Maxamuud Sayid Cali Waa nin naafo  ka ah gacanta midig waxaa uu ka shaqeeya shaqo adag oo dadka Lixaad kooda qaba xataa ay ku adag tahay in ay ku dhiiradaan ,Taas oo ku maareeyo nolasha oo ka kooban sideed qof,Maxaamud ayaa radio kisamayo uga waramay waxaa uu ku doortay shaqadaan.

Dad badan oo naafo ah ayaa aaminsan in aysan waxba qabsan-karin maadama ay naafo yihiin balse maxamed maxaa uu kaga duwan yahay dadkaas .

Abdisalaam maxamuud shire waa nin dhalinyaro ah wuxuuna naafo ka yahay araga sidaas ay tahayna hamigii uu ka lahaa nolosha halkaasi kumuusan hakanin
Haatana waa nin wariye ah oo ka howl gala Radio Kismaayo waxaa uu soo saare ka yahay barnamijka Rajoside oo u gaar ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah,waxaa uu aaminsan yahay in dadka naafada ah ay u shaqaysan karaan sida dadka caadiga.

Inkasta oo dadka naafadda ah eek u nool dalka keena ay haystaan Caqabado badan oo ka hor istaagaya in ay nolashooda hormariyaan ,hadana waxaa jira kuwo badan oo iyagu la yimid hal abuur iyo waxqabad gaar ah .