Inta badan Wadooyinka Muqdisho oo saaka xiran

1313

Waxaa saaka xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, arrinta oo ay sabab u tahay xuska sanadguuradii 1-aad ee kasoo wareegtay qaraxii dadka badani ku leā€™deen ee ay maleeyshiyaadka Al-shabaab ka fuliyeen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa dadka lugeynaya baaris dheeraad ah ku sameynaya, halka gaadiidka iyo mootooyinka Bajaajta loo diidayo inay isaga kala gudbaan isgoysyada magaalada Muqdisho.

Qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay isgoyska Soobe ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 500 qof halka ay ku dhaawacmeen dad ku dhaw 700 qof oo dhammaantood ahaa shacab aan waxba galabsan.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomalaiya ayaa waxa ay tagayaan isgoyska Soobe si ay uga qeyb galaan salaad janaaso wadareed ah loo tukanayo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay isgoyska Soobe.

Isgoyska Soobe ayaa laga taagay taalo lagu qoray 14-ka October oo lagu xusuusanayo dadkii masaaskiinta ahaa ee lagu laayay qaraxaasi.