Shirka Iskaashiga Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Puntland ayaa ka furmey Magalada Boosaaso.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa si wadajir u furay shirka.
Shirka ayaa waxaa la filayaa in looga dhawaaqo dhismaha Guddi labo dowlad goboleed oo ka shaqeeya sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.
Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha dib u eegista Dastuurka, Sharciga Batroolka iyo Doorashada 2020/2021.
Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Wasiiro kala socda labadda maamul iyo qaar ka mid ah Waxgaradka Puntland