Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay Imaaraadka Carabta

952

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim,Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta is-cusbooneysiisa Eng. Cumar Shuuriye iyo siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Abu,Dubai, waxay ka qaybgaleen Shirweynaha Sannadlaha ee Hay’adda Tamarta Is-cusbooneysiisa oo xarrunteedu ku taalo Magaalada Caasimadda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi.

Mudane Cismaan Libaax Ibraahim Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya isagoo jooga Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in shirkaasi muhiimad gaar ah uu u lahaa Soomaaliya,ayna ka faa’ideysandoonaan waxyabo badan oo dhinaca Tamarta laxiriira.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in waxyaabaha la isla gorgeeyay ay ka mid tahay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta dowladaha xubinta ka ah Hey’adda caalamiga ah ee Tamarta is cusbooneysiisa, sidii loo joogteyn lahaa horumarka iyo ka faa’ideysiga kheyraadka Tamarta, lana is dhaafsado khibradaha iyo aqoonta dhinaca Tamarta.

Wafdigan ka socda Xukuumadda ayaa noqonaya wafdigii u horeeyay ee shir uga qeyb gala Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii u dambeeyay aanu xiriir wanaagsan la laheyn dowladda Soomaaliya, kaddib khilaaf diblomaasiyadeed oo labada dal soo kala dhex galay sanadkii 2018.