Diyaarad sidda 126 xujey oo ka Dushaay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa,

115
Diyaarad sidda 126 xujey ah oo ka kacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ayaa gaartay Madaarka Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta ay U diyaarisay Dowladda Soomaaliya.
Xujeyda ayaa Basas waaweyn looga qaaday Garoonka si loo gaarsiiyo Hoteeladii loo diyaariyey.
Waa duulimaadkii ugu horreeyey ee ka baxa Magaalada Hargeysa iyadoo Maalmaha soo socda lagu wado in sidoo kale xujey kale ay ka baxaan Hargeysa.
Xujeyda Soomaalida oo sannadkaan gaareysa 11 kun iyo 500 oo Xaaji ayaa waxaa ay ka kala baxayaan Garoomada Diyaaradaha, Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe waxaana maalmahaan ay diyaaradaha loo doortay qaadistooda ay ku howlan yihiin sidii xujeyda loo geyn lahaa waqtigii loogu tala galay.