
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa xarunta caafimaadka Baxnaano ee Ceeljaale ku soo dhaweeyay wafdi sare oo uu ka mid ahaa Safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Hans Henric Lundqvist, iyo madax sare oo ka socday UNICEF.
Wafdiga ayaa kormeer iyo u kuurgal ku sameeyay xaaladda guud ee adeegyada caafimaad ee deegaannada Luglow, iyagoo si gaar ah u booqday xarunta caafimaadka Baxnaano ee Ceeljaale iyo adeegyada ay xaruntu u fidiso bulshada deegaanka.
Intii uu kormeerku socday, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland ayaa wafdiga si faahfaahsan uga warbixisay habsami-u-socodka howlaha caafimaad, adeegyada bulshada loo fidiyo, caqabadaha jira iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.
Booqashada ayaa sidoo kale fursad u noqotay dhinacyada ay khusayso in ay si dhow u fahmaan xaaladda adeegyada caafimaad ee deegaanka iyo baahiyaha jira.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland waxay muhiimad gaar ah siisaa xoojinta adeegyada caafimaadka iyo in bulshada la gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh. Booqashada wafdigan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee bulshada Jubaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







