Dhageyso:-Maamulka Puntland oo digniin soo saarey

367

Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland ayaa soo saaray digniin la xiriirta roobab dabaylo watta oo ku soo wajahan qaar ka mid ah deegaanada Puntland.

Digniin Waxaa Looga Digayaa Dadka Deegaada Xeebaha Degan inay Ka Digtoonaadaan Roobab Dabaylo Wata oo Kusoo Foodleh Xeebaaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland.

Agaasimaha Waaxda musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in Puntland dhawaan ay ka da’een roobab lixaad leh oo dadku ay ku diirsadeen,hayeeshee lafilayo inay sidoo kale da’aan roobab kale oo dabeylo wata oo waxyeelo geysan kara.

Wasaaradu waxay u digte dhamaan kaluumaystada iyo dadka ka agdhaw xeebaha ” waxaa looga digayaa dhamaan kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow badda in aanay gelin badda sadexdaas cisho ee ay baddu aadka u kacsan tahay.”