Wasaaradda haweenka Jubbaland oo Kismaayo ku xustay maalinta caalamiga ah ee nabadda adduunka.

0
2
Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabada Maalinta Caalamiga ah ee Nabada Aduunka oo markii 45aad laga xusayo guud ahaan caalamka.
Waxana Xuskan Qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee wasarada Haweenka Iyo arimaha Qoyska Marwo Miski Oo Goobta kajedisay hadalo kusabsan Munasanada Malinka Caalamiga ah ee Nabada Aduunka.
‎Xuskan oo sannadkan halkudhig looga dhigay “Aynu Maalgashano Nabada”, oo ay goobjoog ahayd Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi, ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socday ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.
‎Masuuliyiintii ka hadashay munaasabada ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay in laga wada shaqeeyo adkaynta nabadgalyada iyo midnimada ummada, oo ah lafdhabarta horumarka Soomaaliya, gaar ahaana Jubaland.