Akadeemiyada hoggaaminta qaranka soomaaliyeed oo qaabbishay xildhibaan Xasan yare iyo qurba-joog soomaaliyeed

0
3
Akadeemiyada Hoggaaminta Qaranka Soomaaliyeed (NLA) ayaa  qaabbishay Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil iyo Nuur Cali Abshir Oo kamid qurba joogta Soomaaliyeed.
Xildhibaanka iyo Mudane Nuur Cali waxaa xarunta Akadeemiyada ku soo dhaweeyay Agaasimaha Horumarinta Manhajka Akadeemiyada, Dr. Abdullahi Abdiwahaab. Intii ay booqashadu socotay, Dr. Cabdullaahi ayaa si guud uga warbixiyay shaqada ay Akadeemiyadu waddo iyo horumarka laga sameeyay.
Dhanka kale, Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil iyo Mudane Nuur Cali Abshir ayaa bogaadiyay hoggaanka Akadeemiyada iyo hawlwadeennada.