
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland, Mudane Cabdinaasir Seraar Maax, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Xarunta Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka Soomaaliyeed (NLA), isagoo hoggaaminayay wafdi ballaaran.
Wafdiga ayaa waxaa Xarunta ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Akadeemiyadda, Marwo Hodhan Noor Abdi. Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jaamacadda Kismaayo, qaar ka mid ah maamulka Jaamacadda, aqoonyahanno iyo xubno kale.
Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud ayaa masuuliyiinta uga warbixisay howlaha ka socda Akadeemiyadda iyo horumarka laga sameeyay Xarunta.
Dhinaca kale, Wasiirka iyo masuuliyiintii kale ee kulanka ka qaybgalay ayaa si wadajir ah u bogaadiyay hawsha baaxadda leh ee ka socota Akadeemiyadda, iyagoo ku ammaanay dadaallada lagu horumarinayo Xarunta iyo howlaha ay bulshada u hayso.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







