
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa Hoolka Shirarka ee Wasaaradda ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hay’adda Save the Children.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray waxqabadka iyo taageerada ay hay’adda Save the Children u fidisay bulshada Jubaland, iyo xaaladaha hadda jira ee dhinaca caafimaadka iyo adeegyada bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa uga mahadceliyay hay’adda Save the Children taageerada iyo wada shaqaynta ay la leedahay Wasaaradda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac si bulshada Jubaland loo gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa wada shaqaynta iyo isku xirka Wasaaradda iyo hay’adda Save the Children, gaar ahaan wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee bulshada Jubaland

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







