
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal, ayaa furay tababar aqoon-kororsi ah oo loogu talagalay Gabdhaha ka tirsan ciidamada kala duwan ee Dowladda Jubbaland iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Taliyaha Booliska Dowladda Jubbaland ahna Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Gashaanle Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo wafdi ka socday UNSOM oo uu hoggaaminayay Police Commissioner-ka UNSOM.
Tababarka oo uu soo qabanqaabiyay Taliyaha Booliska Jubbaland, waxaa bixinayay macallimiin ka socday Ciidanka Booliska Sierra Leone ee qaybta ka ah UNPOL, waxaana uu ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha Gabdhaha ciidamada, si loo xoojiyo kaalintooda sugidda amniga iyo nabadda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







