Wasaaradda beeraha Jubbaland oo la wareegtay cagafyo loogu talagaley horumarinta wax-soo-saarka beeraha.

0
3
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland ayaa  kala wareegtay hay’adaha GIZ iyo CeRID/NIRAS 8 cagaf-cagaf oo nooca Massey Ferguson ah, kuwaas oo qayb ka ah Mashruuca Horumarinta Sugnaanta Cuntada iyo Adkeysiga Isbeddelka Cimilada.
Munaasabadda wareejinta cagaf-cagafyadan ayaa ka dhacday Xarunta FFS ee deegaanka Buula-Bartire, oo ku taalla waqooyiga Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland, Mudane Geelle Muxumed Aadan, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Mursal Xirsi, masuuliyiin ka socotay hay’adaha GIZ iyo NIRAS, bulshada deegaanka, beeralayda iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa si rasmi ah ula wareegay cagaf-cagafyadan, iyadoo Wasiirku uga mahadceliyey hay’adaha GIZ iyo NIRAS taageerada ay la garab taagan yihiin horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo xoojinta awoodda beeralayda.
Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay horumarinta wax-soo-saarka beeraha, xoojinta sugnaanta cuntada iyo kor u qaadidda awoodda beeralayda, si ay ula qabsadaan saamaynta isbeddelka cimilada.
Wareejinta siddeeddan cagaf-cagaf ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato horumarinta beeraha, kordhinta wax-soo-saarka iyo taageeridda beeralayda ku nool deegaannada Dowladda Jubbaland.