Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Jubbaland oo mashruuc biyo-gelin ah ka hirgelisay deegaanka halgan.

0
14
Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland, Mudane Liban Mowlid ayaa xarig-jaray mashruuc biyo-gelin ah oo laga hirgeliyey deegaanka Halgan ee waqooyiga magalda kismayo, kaas oo loogu talagalay bulshada ku nool deegaanka iyo qoysaska dib-u-dejinta.
Mashruucan oo ay fulunaysay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland, iyo ayaa ka kooban haanta kaydka biyaha oo qaadda 50,000 litir, 500 mitir oo dhuumaha biyaha ah (pipeline), Water kiosk, iyo kaabayaal kale oo muhiim u ah gaarsiinta iyo kaydinta biyaha.
Mashruucan ayaa ah mid si gaar ah loogu adeegaayo ku dhowaad 300 oo qoys oo dib-u-dejin loogu sameeyey deegaanka Halgan, kuwaas oo horey uga soo guuray Kismaayo, gaar ahaan Dalxiiska.
Hirgelinta mashruucan ayaa wax weyn ka tari doonta baahida biyaha ee bulshada, iyadoo qoysaska deegaanka loo fududeynaayo helitaanka biyo nadiif ah.
Intii ay socotay munaasabadda xarig-jarka, Agaasimaha Waaxda Biyaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada dib-u-dejinta iyo dadka nugul la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan biyaha,
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland waxay sii waddaa dadaallada lagu ballaarinayo adeegyada biyaha, gaar ahaan deegaanada ay baahidu ka jirto