Wasaaradda beeraha Jubbaland oo bib-u-eegis ku samaysay nidaamka maareynta xogta cagaf-cagafyada (TMIS)

0
3
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib-u-eegista, xaqiijinta iyo horumarinta Nidaamka Maareynta Xogta Cagaf-cagafyada (Tractor Management Information System – TMIS).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta iyo xaqiijinta nidaamka TMIS, qaab-dhismeedkiisa, habka uu u shaqeynayo iyo adeegyada uu Wasaaradda u qabanayo, gaar ahaan maareynta, kaydinta iyo helitaanka xogta cagaf-cagafyada iyo adeegyada mechanization-ka beeraha.
Munaasabaddan waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland, Mudane Geelle Muhumed Aden; Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland, Mudane Ugaas Ali Aadan Sokor; iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland, Mudane Mohamed Mursal Hirsi, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda iyo bah-wadaagta horumarineed.
Eng. Ibrahim Ahmed Mohamed, oo ka socday Digital Checks Systems (D.Checks.S), ayaa si faahfaahsan uga hadlay qaabka uu u shaqeynayo nidaamka TMIS, isagoo sharaxay habka xogta loo gelinayo, loo maareynayo loona heli karo, iyo sida nidaamku u fududeynayo dabagalka, maamulka iyo qorsheynta adeegyada cagaf-cagafyada.
Sidoo kale, bah-wadaagta Wasaaradda oo ay ka mid yihiin GIZ, NIRAS, CERID iyo hay’adaha kale ee taageera ayaa ka dhiibtay aragtiyo iyo talooyin ku aaddan sidii nidaamka TMIS loo sii horumarin lahaa, loona xaqiijin lahaa inuu si hufan uga jawaabo baahiyaha Wasaaradda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu casriyeynayo maamulka xogta iyo adeegyada mechanization-ka beeraha, iyadoo la xoojinayo adeegsiga teknoolojiyadda si loo helo xog sax ah oo taageerta qorsheynta, dabagalka iyo go’aan-qaadashada.