
Waxaa magaalada Kismaayo ka furmay shirka saddex-biloodlaha ah ee Guddiga Farsamada IPSAS, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta hirgelinta Heerarka Caalamiga ah ee Xisaabaadka Dowladda (IPSAS), tayeynta warbixinnada maaliyadeed, iyo kor u qaadista hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Jubbaland Mudane: Nuur Cumar Shaalle, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta Heerarka Caalamiga ah ee Xisaabaadka Dowladda (IPSAS) si loo xoojiyo isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo tayada warbixinnada maaliyadeed ee hay’adaha dowladda.
Inta uu barnaamijku socdo, xubnaha guddiga waxaa la siin doonaa tababaro ku saabsan diiwaangelinta iyo maareynta hantida dowladda (Asset Management), iyo habraacyada diyaarinta warbixinnada maaliyadeed (Financial Statements Templates).
Barnaamijkan, oo uu taageerayo Mashruuca SERP, gaar ahaan qaybta Maareynta Maaliyadda Dowladda (PFM Sub-component), ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamyada maareynta maaliyadda dowladda, si loo hubiyo in hay’adaha dowladdu ay soo saaraan warbixinno maaliyadeed oo tayo leh, hufan, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







