
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay masuuliyiin ka socotay Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubaland, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid Wasaaradda.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, Maxamed Cabdiqaadir, Agaasimaha Waaxda Adeegga Caafimaadka, Ismaaciil Cali Maxamuud, iyo qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda.
Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray habsami u socodka shaqada shaqaalaha rayidka ee Wasaaradda. Agaasimaha Guud ayaa masuuliyiinta la wadaagay qaabka ay u shaqeyso Wasaaraddu iyo doorka muhiimka ah ee shaqaalaha rayidka ay ku leeyihiin hirgelinta adeegyada caafimaadka.
Masuuliyiinta ka socotay Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubaland ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud iyo shaqaalaha Wasaaradda soo dhaweynta wanaagsan, iyagoo bogaadiyay dadaalka iyo kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin u adeegidda bulshada iyo horumarinta adeegyada Caafimaadka Dowladda Jubaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







