Guutada Abris ee ciidanka dowladda jubbalan oo hawlgallo amni ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Kudhaa

0
121

Ciidamada Guutada Abris ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka fuliyay deegaanno kala duwan oo hoos yimaada deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe, gobolka Jubbada Hoose.

Hawlgallada ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada Abris, Korneyl Dhuub Axmed, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray deegaanka Yaaqbuul iyo deegaannada kale ee miyiga fog ee ku hareeraysan Kudhaa.

Ujeeddada hawlgalladan ayaa ah adkaynta amniga, xoojinta nabadda, ka hortagga falalka amniga lidka ku ah, iyo sugidda badqabka shacabka ku nool deegaannadaasi.
Ciidamada ayaa sameeyay roondooyin iyo baaritaanno amni, iyagoo sii xoojinaya joogitaankooda si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo nabadda guud ee deegaanka.

Taliyaha Guutada Abris, Korneyl Dhuub Axmed, ayaa sheegay in hawlgalladu ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga, isla markaana ciidamada ay si heegan iyo feejignaan leh u gudanayaan waajibaadkooda shaqo si loo ilaaliyo nabadda iyo kalsoonida bulshada.

Dowladda Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii xoojisay hawlgallada amniga ee ka socda gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ujeeddadu tahay xaqiijinta amniga iyo ilaalinta shacabka ku dhaqan deegaannada gobolka