Wasiiru Dowlaha Amniga Jubbaland oo La Kulmay Cutubyo Cusub oo Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Gedo

0
5659
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland Mudane Maxamed Cabdi Kaliil iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Gedo ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay cutubyo cusub oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta ee degmada Luuq.
Ciidamadan oo ay Wasaaradda Amniga Gudaha ku samaysay dib-u-habeyn iyo tayeyn ayaa lagu adkeeyay sare u qaadista hufnaanta iyo nidaamka amniga.
Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada ku boorriyey inay si daacadnimo, anshax iyo wadaniyad leh u gutaan waajibaadkooda, iyagoo caddeeyay in laga bilaabo maanta ay si toos ah amar uga qaadan doonaan taliyeyaasha iyo masuuliyiinta amniga ee Dowladda Jubbaland.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Jubbaland ay ku xoojinayso amniga, dib-u-habeynta ciidamada, iyo adkeynta kala dambeynta si loo xaqiijiyo nabadgelyada shacabka Gobolka Gedo