
Duqeymo qorsheysan oo maanta ka dhacday deegaan ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaannada Jabi iyo Lagta Dhasheega-Riqata, oo dhowr iyo toban kiiloomitir u jirta tuulada Moogambo, ayaa lagu dilay laba horjooge oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta,
kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xuseen iyo Burhaan.
Sheekh Xuseen ayaa ahaa madaxa amniyaadka xuduudaha, halka Burhaan uu ahaa madaxa waxa ay kooxdu ugu yeerto “Fursaanta Jubooyinka”. Duqeynta waxaa fuliyay saaxiibada caalamiga ah ee AFRICOM.
Sidoo kale, duqeynta waxaa lagu dilay 17 ka mid ahaa maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa labada horjooge, kuwaas oo la socday xilligii weerarku dhacay.
Horjoogayaashan iyo ilaaladooda ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa si dhow ula socday ciidamada kala duwan ee Dowladda Jubbaland, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, taas oo ugu dambeyn horseeday in lagu beegsado howlgalka qorsheysan
Duqeyntan lagu dilay horjoogayaashan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta ee ka socda deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada Jubbooyinka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







